Weerar dhanka cirka ah oo ay fulisay Israa’iil ayaa waxaa ku dhintay 3 askari oo ka mid ahaa ciidamada militariga ee dowladda Syria.
Wasaaradda gaashaandhigga ee Syria ayaa sheegtay in duqeynta ay ka dhacday meel u dhow caasimadda wadankaasi ee Dimishiq.
Bayaanka wasaaradda waxaa ku cad in weerarka oo laga soo qaaday dhanka buuraha Golan heights ay ku dhaawacmeen toddobo sarkaal oo kale.
Sidoo kale waxay wasaaraddu sheegtay in hannaanka difaaca hawada ee Syria uu qabtay gantaallo la soo tuuray oo lagu bartilmaameedsanayay galbeedka magaalada Damascus.
Hasa ahaate militariga Israa’iil ayaa sheegay inuunan ka hadlin warbixinnada dalalka kale.
Hay’ad dabagal ku sameysa arrimaha xuquuqul aadanaha ee Syria ayaa laga soo xigtay in saddex qof oo kale oo ajaaniib ah la dilay tani oo dhimashada guud ka dhigaysa 6 halka guud ahaan dhaawaca uu yahay 10 qof.
Israa’iil ayaa gudaha dalka Syria weerarro ka gaysanaysay tan iyo dagaalkii sokeeye ee sanadkii 2011-kii.