Israa’iil oo dhaawacday in ka badan 70 Falastiniyiin ah

0
346

Waxaa lagu soo warramayaa in ugu yaraan 70 qof oo u dhashay dalka Falastiin ay dhaawacmeen ka dib markii booliska Israa’iil ay sunta dadka ka ilmeysiisa ay u adeegsadeen dad ku sugnaa goob uu aas ka socday.
Waxaa halkaasi lagu aasayay nin dhallinyaro oo Falastiini ah oo u dhintay dhaawac ka soo gaaray howlgal ay 22-kii bishii hore ciidamada Israa’iil ay ka fuliyeen barxadda masjidka Al-Aqsa ee Quddus.
Sabtidii ayay ahayd markii la shaaciyay geerida Walid al-Sharif oo janaasadiisa ay boqolaal qof ka qayb galayeen.
Goobjoogayaal iyo xubnaha qoyska Sharif ayaa xilligii uu howlgalka dhacayay warbaahinta u sheegay in wiilka geeriyooday laga toogtay madaxa in kastoo maamullada Israa’iil ay sheegeen inay suurtagal tahay inuu u dhintay dhaawacyo ka soo gaaray kufid.