Wakaaladda wararka ee Falasiin ee WAFA ayaa ku warramaysa in weerar ay Israa’iil ku qaadday dugsi lagu xanaaneeyo oo ayna wax ka bartaan carruurta yar oo ku yaalla magaalada Rafah ee Koonfurta Qaza lagu dilay ugu yaraan labo canug.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in tirada dadka lagu dilay Bariga Rafah ay gaartay 24 qof.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ay Israa’iil qorsheynaysa inay duullaan dhanka dhulka ah ka fuliso magaaladaasi oo ay dad aad u tiro badan ku sugan yihiin.
Dhanka kale tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore waxaa duqeymaha Israa’iil ee Qaza lagu dilay ugu yaraan 27,238 ruux halka 66,452 kalena la dhaawacay.