Militariga Israa’iil ayaa sheegaya inuu Daanta Galbeed ee dalka Falastiin ka fuliyay weerar lagu burburiyay hooyga ku xigeenka hoggaamiyaha ururka Xamaas Saleh al-Aruri.
Waxaa gurigaasi lagu weeraray waxyaabaha qarxa.
Saraakiisha militariga ee Israa’iil ayaa intaasi ku daray in xilli ay gudaha u galeen tuulada Arura oo u dhow magaalada Ramallah ay toogteen dad dhagaxaan ku soo tuurayay intii ay guriga Al-Aruri duminayeen.
Israa’iil ayaa Saleh Al-Aruri ku eedeysay inuu soo abaabulay weerarro dhowr ah.
Sanadkii 2017-kii ayaa loo magacaabay ku xigeenka madaxa Xamaas Ismaaciil Haniyeh .
Mid ka mid ah ehelka Aruri ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in tallaabada guriga lagu dumiyay lagu doonayo in shacabka lagu cabsi geliyo.