Hal askari oo Israa’iili ah ayaa ku dhintay ugu yaraan 11 kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaallo ay la galeen kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas .
Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in ay baadigoob ugu jiraan afar askari oo maqan oo ay afduubteen Xamaas.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Israel ay weerar gaadmo ah ku qaadeen dagaalyahanada Xamaas oo ku sugnaa xaafadda Zeitoun ee magaalada Gaza halkaas oo ay kala kulmeen jug culus.
Israa’iil oo maalmihii la soo dhaafay xoojisay weerarada ay ku doonayson inay ku qabsato marinka qaza ayaa ku adkaata in weerar dhulka ah ay sameeyaan iyadoo jab xoogan ay kala kulmeen kooxda Xamaas.
Ciidamada israa’iil ayaa taa badelkeeda waxaa ay beegsadaan goobaha rayidka ah.
Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee loo yaqaano Helicopters ayaa waxaa u soo diray ciidamada Israel si ay u daad gureeyaan askarta ay rasaasta xoogani ku dhacday.
Dhimashadii ugu dambeysay ayaa ka dhigeysa tirada guud ee askarta Israel looga dilay Qaza tan iyo markii uu dagaalka bilowday 455 askari.