Israa’iil ayaa amar ku bixisay in afar saacadood gudahooda lagu daadgureeyo dadka ku jira isbitaalka Indonesian Hospital.
Waxaa sidatan warbaahinta u sheegay agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka ee Qaza Munir al-Bursh.
Digniintan ayaa waxaa soo saaray militariga Israa’iil.
Isagoo u warramayay warbaahinta Aljazeera , ayuu agaasimaha guud sheegay in duqeymo dhinac kasta ah ay ka socdaan hareeraha isbitaalkaasi.
Sidoo kale waxaa uu xusay inay isbitaalkaasi yaallaan 65 meydad ah oo aynan aasi karin.
Waxaa hadda isbitaalka Indonesian Hospital ku soo haray 200 oo bukaan ka dib markii shalay laga saaray 450.
Munir al-Bursh ayaa intaasi ku daray in mid kasta oo ka mid ah gaadiidka gurmadka degdegga uu halkii mar qaadaya 7 ruux.
Xaruntan caafimaad ayaa ku taalla magaalada Bait Lahia, ee Waqooyiga Marinka Qaza ee dalka Falastiin.