Israa’iil oo afar qof ku dishay xadka Lubnaan iyo Suuriya

0
118

Ciidamada Israa’iil ayaa bam ku tuuray gaari meel u dhow xadka Lubnaan ay la wadaagto Suuriya, taasoo keentay dhimashada ugu yaraan afar qof, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Dadweynaha ee Lubnaan.
Weerarka cirka ee Israa’iil ayaa dhacay subaxnimadii hore ee Isniinta, sida ay ku sheegtay bayaan.
Wakaaladda Wararka Qaranka ee Lubnaan ayaa sheegtay in mid ka mid ah dadkii ku dhintay uu ahaa muwaadin Suuriyaan ah oo lagu magacaabo Khaled Mohammad al-Ahmad.
Milatariga Israa’iil ayaa xaqiijiyay weerarka cirka, iyagoo ku sheegay in ay bartilmaameedsadeen xubno ka tirsan Jabhadda Islaamiga ah ee Falastiin (PIJ) ee Lubnaan.
Ma aysan bixin caddayn ku saabsan sheegashadooda.
Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in weerarka uu ka dhacay aagga Majdal Anjar ee Lubnaan.
Ma jiraan wax jawaav oo degdeg ah oo ka soo baxay PIJ.