Weerar ay ciidamada Israa’iil ka gaysteen magaalada Rafah ee Koonfurta dalka Falastiin ayaa waxaa ku dhintay 8 ruux.
Dhanka kale Xoghayaha guud ee qaramada midoobay ,Antonio Guterres ayaa sheegay in hadda kala bar shacabka Qaza oo ay tiradoodu tahay 2.3 milyan ay si ciriiri leh ugu nool yihiin Rafah iyadoo aynan u furnayn meel kale oo ay aadaan.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in dadka ka soo barakacay duqeymaha Israa’iil ee Qaza ay u muuqdaan kuwo rajo dhigay.
Ugu yaraan 27,840 qof ayaa Qaza lagu dilay tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore halka 67,317 kalena la dhaawacay.