Waxaa lagu soo warramayaa in ilaa 8 qof ay ku dhinteen weerar ay Israa’iil ku bartilmaameedsatay isbitaalka Nasser Hospital ee Falastiin.
Waxaa weerarrada Israa’iil ee Qaza 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay lagu dilay ugu yaraan 127 ruux.
Tani ayaa tirada guud ee dadka lagu dilay Qaza laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore ka dhigaysa ugu yaraan 28,985 qof halka 68,883 kalena la dhaawacay.