Ilaa 6 qof ayaa 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay lagu dilay duqeymaha ay Israa’iil ka wado Daanta Galbeed ee la haysto ee dalka Falastiin.
Waxaa ugu dambeeyay afar qof oo lagu dilay xerada qaxootiga ee Nur Shams ee Daanta Galbeed.
Dadkan waxaa ka mid ahaa haweeney iyo canug yar.
Laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii , ugu yaraan 37,925 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay duqeymaha Israa’iil ee Qaza iyadoo la dhaawacay 87,141 kale.