Israa’iil oo 54 qof ku dhishay Qaza

0
397

Ciidamada Israa’iil ayaa weli sii wada duqeymaha ay ku hayaan Qaza, iyagoo 24-kii saac ee la soo daafay ku dilay ugu yaraan 54 qof guud ahaan Marinka Qaza.
Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ballan qaaday in uu xoojin doono dagaalka Qaza ka dib markii Xamaas ay diiday soo jeedinta Israa’iil ee xabbad joojin kale oo ku meel gaar ah waxaa ayna dalbadeen heshiis lagu soo afjaro colaadda si la isku daafsado maxaabiis.
Wasaaradda caafimaadka ee Qaza ayaa xaqiijisay in ugu yaraan 51,065 qof lagu dilay duulaanka Israa’iil tan iyo markii uu soo billawday 18 billood ka hor halka lagu dhaawacay 116,505 kale oo Falastiniyiin ah.
Xafiiska warbaahinta ee xukuumadda Qaza ayaa tiradan u cusboonaysiiyay in ka badan 61,700, isaga oo sheegay in kumannaan qof oo lagu la’yahay burburka hoostiisa loo malaynayo inay dhinteen.