Israa’iil oo 5 wariyaal ah ku dishay Qaza

0
169

Waxaa lagu soo warramayaa in duqeyn ay Israa’iil ka gaysatay meel u dhow isbitaal ku yaalla Bartamaha Qaza in lagu dilay 5 wariyaal ah.
Waxaa sidatan laga soo xigtay maamullada dalka Falastiin.
Suxufiyiintan ayaa ka howlgalayay shabakadda wararka ee Al-Quds waxayna tabinayeen dhacdooyinka ka socdo aagga isbitaalka al-Awda ee ku yaalla xerada qaxootiga ee Nuseirat.
Warbaahinta caalamiga ee Aljazeera ayaa ku warramaysa in duqeyn dhanka cirka ah ay ciidamada Israa’iil ku bartilmaameedsadeen baabuur siday wariyaasha.
Magacyada suxufiyiinta halkaasi lagu dilay ayaa lagu kala sheegay Fadi Hassouna, Ibrahim al-Sheekh Cali, Maxamad al-Ladah, Faisal Abu al-Qumsan iyo Ayman al-Jadi.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in 5 kale lagu dilay duqeyn ka dhacday dhismo ku yaalla waqooyiga magaalada Qaza iyadoo 30 qof oo kalena la la’yahay.
Dhanka kale , dhakhaatiirta ayaa sheegay in saddex carruur ah oo Falastiiniyiin ah ay ku dhinteen xeryaha barakacayaasha ee Koonfurta Gaza maadaama uu aad u hooseeyay heerkulka jirkooda.