Israa’iil oo 5 qof ku dishay Syria

0
178

Waxaa la xaqiijiyay dhimashada shan ruux ka dib markii ay Israa’iil gudaha Syria ka fulisay duqeyn dhanka cirka ah.
Weerarka oo loo adeegsaday gantaal ayaa lagu bartilmaameedsaday dhisme ka kooban afar dabaq oo la deggan yahay.
Waxaa gebi ahaanba weerarka ku burburay dhismahaasi oo sida la sheegay ay kulan ku yeelanayeen mas’uuliyiin taabacsan dowladda Iiraan.
Waxaa sidatan warbaahinta u sheegtay koox dabagal ku sameysa arrimaha xuquuqul aadanaha ee Syria oo loo yaqaano SOHR.