Israa’iil oo 400 oo qof ku dishay isbitaalka Al-Shifa ee Qaza

0
185

Xafiiska warfaafinta ee Qaza ayaa laga soo xigtay in ugu yaraan 400 oo qof oo Falastiiniyiin ah lagu dilay weerar ay Israa’iil ku bartilmaameedsatay isbitaalka Al-Shifa.
Dadka la dilay ayaa isugu jiro bukaanno , barakacayaal iyo shaqaale caafimaad.
Israa’iil ayaa dadkan uga takhalustay duqeymo ay 13 cishe ku haysay isbitaalkaasi.
Dhanka kale tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore waxaa duqeymaha ay weli Israa’iil ka wado Qaza lagu dilay ugu yaraan 32,705 qof oo Falastiiniyiin ah halka la dhaawacay 75,190 kale.