Wasaaradda caafimaadka ee dalka Lebanon ayaa sheegtay in duqeyn ay xalay Israa’iil ka gaysatay magaalada Beirut ay ku dhinteen 40 ruux.
Waxaa halkaasi lagu dhaawacay 53 qof oo kale.
Weerarka oo ahaa mid dhanka cirka oo baaxad leh ayaa lala eegtay aagagga dooxada Bekaa Valley iyo magaalada Baalbek ee Bariga Lubnaan.
Tan iyo markii uu billowday duullaanka militari ee Qaza, waxaa gudaha dalka Lebanon lagu dilay ugu yaraan 3,050 qof halka weerarrada Israa’iil lagu dhaawacay 13,658 ruux oo kale.