Israa’iil oo 4 qof ku xirtay Daanta Galbeed

0
355

Ciidamada militariga ee Israa’iil ayaa afar qof ku xiray magaalada Hebron ee Daanta Galbeed ee la haysta ee dalka Falastiin.
Waxaa sidan ku warramaysa wakaaladda wararka ee dowladda Falastiin ee WAFA.
Waxay intaasi ku dartay in qof kale lagu xiray magaalada Dura ee Koonfurta Galbeed ee Hebron.
Ciidamada Israa’iil ayaa sidoo kale shakhsiyaad dhowr ah xabsiga ugu taxaabay xerada qaxootiga ee Qalandiya iyo tuulada Deir Ghassana ee Waqooyiga Galbeed ee magaalada Ramallah.