Israa’iil oo 4 qof ku dishay Daanta Galbeed

0
255

Wasaaradda caafimaadka ee Falastiin ayaa sheegtay in duqeymo dhanka cirka ah oo ay Israa’iil ka fulisay magaalada iyo xerada qaxootiga ee Jenin ee Daanta Galbeed lagu dilay 4 qof oo Falastiiniyiin ah.
Falkan oo maanta dhacay ayaa loo adeegsaday diyaarad aan duuliye lahayn.
Wakaaladda wararka ee Falastiin ee WAFA oo soo xiganaysa ilo wareedyo caafimaad ayaa qortay in hal ruux oo kale uu ku dhaawacmay weerar lala eegtay xaafadda Al-Sibat ee magaalada Jenin.
Agaasimaha isbitaalka Jenin hospital ayaa sheegay in afarta qof si toos ah loo bartilmaameedsaday.
Wakaaladda WAFA ayaa intaasi ku dartay in ciidamada Israa’iil ay ku hareereysan yihiin 3 isbitaal oo aaggaasi ku yaalla.
Ka hor weerarkan, wasaaradda caafimaadka ee Falastiin ayaa sheegtay in tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkan ay Israa’iil gudaha Daanta Galbeed ku dishay 275 qof.