Israa’iil ayaa 32 dowladood ugu baaqday in ay cunaqabateyn ku soo rogaan Iiraan.
Waxay doonaysa in si gaar ah loo xannibo ciidamada kacaanka islaamiga ee Iiraan .
Tani ayaa timid ka dib weerarkii loo adeegsaday in ka badan 300 oo diyaaradood oo aan duuliye lahayn iyo gantaallo kaasi oo ay Iiraan ku qaadday Israa’iil.
Xukuumadda Tehraan ayaa sheegtay in falkaasi ay uga aargoosanaysay weerarkii ay Israa’iil horraantii bishan ka gaysatay qunsuliyadeeda magaalada Dimishiq ee dalka Syria.