Israa’iil oo 3 wariyaal ah ku dishay Qaza

0
518

Warbaahinta caalamiga ee Aljazeera ayaa ku warramaysa in ciidamada militariga ee Israa’iil ay dileen saddex wariyaal ah halka ay dhaawac culus u gaysteen mid afaraad.
Weerarkan ayaa lala eegtay isbitaalka Al-Ahli ee Qaza.
Weerarro kala duwan oo 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay ka dhacay Qaza ayaa waxaa ku nafwaayay ugu yaraan 70 ruux waxaana ku dhaawacmay 189.
Duullaanka militari ee Qaza ayaa laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii , waxaa ku dhintay in ka badan 54,677 qof oo Falastiinyiin halka la dhaawacay 125,530 kale sida laga soo xigtay wasaaradda caafimaadka ee Qaza.