Ugu yaraan 29 ruux ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen weerarro ay Israa’iil ka gaysatay magaalada Rafah ee Falastiin.
Waxaa halkaasi lagu bartilmaameedsaday saddex dhisme oo la deggan yahay.
Dhowr qof oo kale ayaa ku hoos xanniban burburka ka dhashay duqeymahaasi.
Ugu yaraan 19,453 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa duqeymaha Israa’iil ee gudaha Qaza lagu dilay tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkan.