Wasaaradda caafimaadka ee dalka Falastiin ayaa sheegtay inay diiwaangelisay dhimashada laba qof oo ay ciidamada Israa’iil ku dileen Daanta Galbeed.
Tani ayaa ku soo beegmaysa maalin un ka dib markii Israa’iil ay gantaallo ku garaacday marinka Qaza halkaasi oo lagu dilay ugu yaraan 15 ruux.
Hasa ahaate militariga Israa’iil ayaan weli xaqiijin weerarka ugu dambeeyay ee la gaystay.
Labada qof ayaa lagu dilay magaalada Qabatiya ee Koonfurta Jenin ka dib isku dhac dhex maray dibadbaxayaal iyo ciidamada Israa’iil.




