Israa’iil oo 14 qof ku dishay Falastiin

0
141

Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa bartamaha Qaza ku dilay 14 qof oo Falastiiniyiin ah.
Tani ayaa timid ka dib markii ay duqeeyeen guri ku yaalla xerada qaxootiga ee Nuseirat.
Dadka la dilay waxaa ka mid ah carruur sida ay xaqiijiyeen ilaha caafimaadka ee Qaza.
Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan daryeelka carruurta ee UNICEF ayaa dalbatay in la joojiyo dilalka aan kala sooca lahayn ee lagu bartilmaameedsanaya shacabka Qaza gaar ahaan carruurta.
Laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore , waxaa duqeymaha ay Israa’iil ka wado Qaza lagu dilay ugu yaraan 35,091 qof oo Falastiiniyiin ah halka la dhaawacay 78,827 kale.