Waxaa ilaa iyo hadda la xaqiijiyay in 12 ruux ay ku dhinteen duqeymo dhinaca cirka ah oo ay ciidamada Israa’iil ka gaysteen marinka Qaza ee dalka Falastiin.
Militariga Israa’iil ayaa bayaan ku sheegay in weerarrada lagu bartilmaameedsaday xubnaha dhaqdhaqaaqa jihaad doonka ah ee Falastiin ee Palestinian Islamic Jihad movement.
Wasaaradda caafimaadka ee Falastiin ayaa dhankeeda sheegtay in weerarrada Israa’iil ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 20 qof oo shacab oo dheeraad ah.