Israa’iil oo 12 qof ku dishay Koonfurta Qaza

0
201

Ugu yaraan 12 ruux ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen duqeymo dhanka cirka ah oo ay Israa’iil ka gaysatay magaalada Khan Younis ee Koonfurta Gaza.
Dhimashada ayaa ahayd 5 ka hor inta aynan sii kordhin.
Aroornimadii hore ee maanta ayaa la duqeeyay labo dhisme oo la deggan yahay oo halkaasi ku yaalla.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ugu yaraan 20 qof oo dheeraad oo Falastiiniyiin ah ay weerarrada ku dhaawacmeen.