Israa’iil oo 12 qof ku dishay bartamaha Qaza

0
193

Ciidamada militariga ee Israa’iil ayaa weerarro ay ka gaysteen magaalada Deir el-Balah ee bartamaha Qaza ku dilay ugu yaraan 12 ruux .
Waxaa falkaasi lagu dhaawacay tiro kale oo ka badan inta dhimatay waxaana ka mid ah carruur.
Laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii , duqeymaha ay weli Israa’iil ka wado Qaza waxaa lagu dilay ugu yaraan 31,553 qof oo Falastiiniyiin ah halka la dhaawacay 73,546 kale.