Israa’iil ayaa qaramada midoobay u sheegtay in shacab ay tiradooda gaaraysa 1.1 milyan oo qof oo ku nool Waqooyiga magaalada Qaza ee dalka Falastiin ay haystaan muddo 24 saacadood ah oo ay halkaasi uga baxayaan.
Militariga Israa’iil ayaa dadkan ku amray inay u guuraan dhanka Koonfureed.
Tani ayaa loo aaneeyay in maalmaha nagu soo aaddan Waqooyiga Qaza laga fulin doono howlgallo militari.
Ururka Xamaas ee dalka Falastiin ayaa digniinta ka soo baxday Israa’iil ku tilmaamay dacaayad waxba kama jiraan ah.
Xamas ayaa Israa’iil ku eedeysay inay xasuuq ka gaysatay Qaza.
Waxaa halkaasi lagu dilay ugu yaraan 1,537 qof oo Falastiiniyiin ah oo ay ka mid yihiin 500 oo carruur iyo 276 oo haween ah.
Sidoo kale waxaa duqeymaha ku dhaawacmay ugu yaraan 6,612 kale oo dheeraad ah.
Tirada dhimashada ee dhanka Israa’iil ayaa ah ugu yaraan 1,300 oo qof.