Waxaa lagu wadaa in abaare 5-ta galabnimo ee maanta la siidaayo 13 ka mid ah maxaabiista gacanta ugu jiro ururka Xamaas ee dalka Falastiin.
Tani ayaa timid ka dib markii uu si rasmi ah u dhaqan galay heshiis shaqeynaya afar cishe oo ay labada dhinac wada gaareen.
Garabka militariga ee Xamaas ayaa laga soo xigtay in si ku meel gaar ah loo joojin doono colaadda Waqooyiga iyo Koonfurta Qaza.
Tirada Falastiiniyiinta ee ay Israa’iil ku dishay Qaza tan iyo 7-dii bishii hore ee sanadkan ayaa gaartay 14, 854.
Tiradan waxaa ka mid ah 6,150 carruur iyo 4,000 oo haween ah.
Sidoo kale maamulka Qaza ayaa sheegay in la dhaawacay 36,000 ruux.
Dhanka Israa’iil waxaa laga dilay 1,200 halka in ka badan 240 kalena gacanta looga dhigay.




