Israa’iil iyo Lebanon oo ka heshiiyay arrimaha badda

0
314

Waxaa heshiis dhanka badda ah oo ay garwadeen ka ahayd dowladda Maraykanka wada gaaray Israa’iil iyo Lubnaan .
Waxay markii ugu horreysay qeexeen xuduudda badeed ee ay wadaagaan.
Madaxweynaha dalka Lebanon Michel Aoun ayaa maanta saxiixay warqad arrinkan ku aaddan.
Dhexdhexaadiye sare oo matalaya dowladda Lubnaan oo lagu magacaabo Elias Bou Saab ayaa sheegay in heshiiskan uu meesha ka saari doono muran dhanka badda ah oo labada dhinac muddo u dhexeyay.
Israa’iil ayaa sidoo kale dhankeeda qalinka ku duugtay is-afgaradkan sida ku cad bayaan ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Yair Lapid.
Lapid ayaa xusay in tani ay tahay horumar siyaasadeed oo u qabsoomay Tel Aviv maadaama sida uu qoraalka u dhigay aynan maalin waliba dhicin in waddan aan saaxiib la ahayn uu qaab qoraal ah beesha caalamka oo isha ku haysa aqoonsado dowladnimada Israa’iil.
Heshiiskan ayaa yimid ka dib bilooyin ay socdeen wada hadallo aan toos ahayn oo uu fududeynayay ergeyga arrimaha tamarta ee Maraykanka Amos Hochstein.
Israa’iil iyo Lubnaan ayaa waxaan ka dhaxeyn xiriir dibloomaasiyadeed waxayna is hayeen tan iyo sanadkii 1948.
Hasa ahaate xukuumadda Beirut ayaa door-bidday in heshiiskan aan loo ekeysiin inay xiriir wanaagsan la yeelatay Israa’iil.