21 ka mid ah ismaamullada dalka oo lagu tilmaamo kuwa oomanaha loona yaqaano ASALs ayaa ka faa’iidaysanaya lacag dhan 19.6 bilyan oo shilin una dhiganta 140 milyan oo doolar.
Kheyraadkan ayaa loo adeegsan doonaa mashruuc la doonaya in sare loogu qaado u adkeysiga bulshada ee saameynta abaarta iyo in laga qayb geliyo howlaha dhaqaalaha.
Mashruucan oo loogu magacdaray (DRIVE) ayaa waxaa si wadajir ah u maalgelinaya dowladda Kenya ,ZEP-RE, waaxda horumarinta dalka ee (KDC) iyo bangiga adduunka.
Barnaamijkan oo uu si rasmi ah u daahfuri doono madaxweyne ku xigeenka dalka ,Rigathi Gachagua ayaa lagu bartilmaameedsanaya 150,000 oo xoolo dhaqato ah oo ku nool ismaamullada Turkana, Marsabit, Mandera, Wajeer, Garissa, Tana River, Isiolo, Samburu, Meru, Tharaka Nithi, Baringo, West Pokot, Narok, Laikipia, Kajiado, Makueni, Kitui, Lamu, Taita Taveta, Kilifi iyo Kwale.
Xoghayaha joogtada ah ee waaxda horumarinta xoolaha Jonathan Mueke, ayaa sheegay in mashruucan uu sidoo kale horseedi doono saameyn wanaagsan oo ka dhan ah isbeddelka cimillada, in suuq loo helo wax soo saarka xoolaha iyo ka qayb gelinta dhaqaale ee kooxaha nugul ee dhanka horumarka ku dambeeya sida haweenka iyo dhallinyarada.
Mashruuca DRIVE ayaa sidoo kale lagu xoojin doonaa sida bulshooyinka xoolo dhaqatada ah ee ku nool Itoobiya, Soomaaliya iyo Jabuuti ay ugu adkeystaan abaaraha.
Qoysas gaaraya 250,000 ayaa la filayaa inay mashruucan ka faa’iidaan, tiradan oo qayb ka ah 1.6 milyan oo xoolo dhaqato ah oo ku nool Kenya, Soomaaliya, Itoobiya iyo Jabuuti.
Waxaa barnaamijkan la fulinaya muddo shan sano ah iyadoo loo maraya wajiyo kala duwan.




