Ismaamullada oo sheegay in ay u baahan yihiin ugu yaraan 450 bilyan

0
190

Golaha ay ku mideysan yihiin ismaamullada dalka ee CoG ayaa sheegay in dowlad deegaannada ay u baahan yihiin miisaaniyad dhaqaale oo dhan 450 bilyan oo shilin.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday barasaabka ismaamulka Kakamega ahna guddoomiyaha guddiga maaliyadda ee golaha barasaabyada Fernandes Barasa.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in dowladda dhexe miisaaniyad sanadeedkan looga fadhiyo in ay ismaamullada ku wareejiso ugu yaraan 450 bilyan oo shilin.
Barasa ayaa xusay in 391 bilyan oo shilin oo la siiyay sanadkii hore aynan ku filnaan.
Maamulka qoondeynta miisaaniyadda ee (CRA) ayaa soo jeedinaya in ismaamullada la siiyo 413 bilyan balse Barasa ayaa sheeaya in tani aynan ku filaan doonin si adeegyada bulshada loogu fidiyo si waxtar leh.