Ismaamullada oo lagu boorriyay inay bixiyaan deymaha lagu leeyahay

0
187

Ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua ayaa ku boorriyay golaha ay ku mideysan yihiin ismaamullada dalka ee CoG iyo waxyaha dowladda inay si degdeg ah u bixiyaan lacagihii lagu lahaa sanad maaliyadeedkii 2022-2023.
Arrintan ayuu ka hadlay ka dib markii uu shir guddoomiyey kulanka 22-aad ee golaha dowladda dhexe iyo ismaamullada u qaabilsan arrimaha miisaaniyadda iyo dhaqaalaha ee (IBEC).
Shirka ayaa ka qabsoomay hooyga madaxweyne ku xigeenka ee xaafadda Karen ee magaalada Nairobi.
Gachagua ayaa sheegay in dowladda dhexe ay ka go’an tahay in wakhtigeeda lagu bixiyo lacaga la siiyo ismaamullada.
Waxaa uu xusay in dowladda dhexe ay soo saartay lacagaha ismaamullada ee ilaa bishii bishii 12-aad ee sanadkii hore.
Ku xigeenka madaxweynaha dalka ayaa carrabka ku adkeeyay inay barasaabyada dowlad deegaannada u faahfaahiyeen culeysyada ay wajahaysa wasaaradda maaliyadda.
Waxaa uu sidoo kale ku boorriyay hoggaamiyayaasha siyaasadeed inay la shaqeeyaan dowladda dhexe si ay gacan uga gaystaan la dagaallanka musuqmaasuqa oo khatar ku ah kobaca dhaqaale ee wadanka.
Gachagua ayaa sheegay in musuqmaasuqu uu si weyn saameyn ugu yeesho istiraatiijiyad kasta oo horumarineed ee ka jirta ismaamullada iyo xitaa dowladda dhexe.