Ismaamullada oo cabasho ka muujiyey culeysyo dhaqaale

0
221

Golaha ay ku mideysan yihiin barasaabyada ismaamullada dalka ee CoG ayaa walaac ka muujiyay dib u dhac ku yimid soo saaridda lacagaha ay dowladda sare siiso dowlad deegaannada.
Guddoomiye ku xigeenka golahan ahna barasaabka ismaamulka Nyeri Mutahi Kahiga ayaa xusay in tani ay saameysay adeegyada shacabka.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in kastoo ay dowladda sare sheegtay in miisaaniyad sanadeedkan 2025-2026-ka ismaamullada loo qoondeeyay ilaa 410 bilyan oo shilin in dhaqaalahaasi aan weli lagu wareejin.
Mutahi ayaa kenyaanka ku wargeliyay in aynan wax badan ka filan ismaamullada.