Dowladda ismaamulka Vihiga ayaa heshiis la saxiixatay dallad ay xubno ka yihiin ururrada rayidka.
Is-afgaradkan ayaa la doonaya in lagu xoojiyo maamul wanaagga.
Waxaa heshiiska qalinka ku duugay xoghayaha sidoo kalena ah madaxa adeegga dadweynaha ee ismaamulka Vihiga Ezekiel Ayiego .
Waxaa arrintan goobjoog ka ahaa barasaabka ismaamulkaasi Dr. Wilber Ottichilo .
Dr. Ottichilo ayaa sheegay in tallaabadan ay horseedaysa in laga wada shaqeeyo horumarka dhaqan-dhaqaale ee shacabka Vihiga.




