Ismaamulka Uasin Gishu oo diiradda saaraya dhisidda waddooyinka

0
114

Dowladda ismaamulka Uasin Gishu ayaa sanad maaliyadeedkan diiradda saaraysa in ay waddooyin dhisto.
Waxay howshan u qoondeysay 2.5 bilyan oo shilin sida uu shaaciyay wasiirka maaliyadda ee ismaamulkaasi Micah Rokony.
Waxaa uu xusay in labadii sano ee la soo dhaafay ay mudnaan siinayeen mashaariicda caafimaadka iyo biyaha.
Wasiirka ayaa intaasi ku daray in muddo 13 sano ah aynan si buuxda u haleelin bartilmaameedkoodkii ku aadanaa uruurinta dakhli ku filan taasi oo saameyn ku yeelatay miisaaniyadda.