Waxaa shalay dab la qabadsiiyay 26 ka mid ah baabuurta dowladda ismaamulka Nyandarua ee gobolka Bartamaha dalka.
Gawaaridan ayaa lagu baakimay xafiisyada deegaanka Olkalou halka sidoo kale la gubay 18 mooto oo ay adeegsanayeen saraakiisha dowlad deegaankaasi.
Dowladda ismaamulka Nyandarua ayaa intaasi ku dartay in sidoo kale shalay la gubay qalabka fanka oo dhawaan la soo iibiyey.
Waxaa uu deegaanka Olkalou isku dhac ku dhex maray ciidamada booliiska oo adeegsanayay sunta dadka ka ilmeysiisa iyo dibadbaxayaal waddooyinka ku gooyey dhagaxaan waawayn.
Marka laga soo tago magaalooyinka waawayn ee Nairobi, Mombasa, iyo Eldoret, waxay sidoo kale dibadbaxyada ka dhaceen ismaamullada Kakamega, Narok, Busia, Makueni, Nyeri, Laikipia, Nyandarua, Machakos, Homa Bay iyo Kirinyaga.