Ismaamulka Nairobi oo kordhiyay muddada ganaaxa laga cafinaya dadka aan bixin canshuurta dhulalka

0
261

Dowladda hoose ee ismaamulka Nairobi ayaa kordhisay muddada loo qabtay dadka aan bixin canshuurta dhanka dhulalka si looga cafiyo ganaax lacageed.
Barasaabka ismaamulka Nairobi, Johnson Sakaja ayaa sheegay in muddadan ay horay ku ekeyd 31-da bisha Diseembar balse hadda laga dhigay 31-da Jannaayo ee sanadka soo socdo.
Waxaa uu ku baaqay in fursaddan laga faa’iidaysto oo canshuurta la bixiyo iyadoo loo maraya nidaamka *647#.
Sakaja ayaa sheegay in cidii aan canshuurta dhulalka ku bixin muddada loo qabtay gudaheeda in tallaabo sharciyeed laga qaadaya sidoo kalena hantideeda la xaraashaya.