Ismaamulka Nairobi oo 100 milyan u qoondeeyay tacliinta aasaasiga

0
276

Guddoomiyaha ismaamulka Nairobi, Johnson Sakaja ayaa soo bandhigay 100 milyan oo shilin oo uu maamulkiisa ugu talagalay in ardayda ay helaan tacliinta aasaasiga ee loo yaqaano ECDE oo bilaash ah.
Sakaja ayaa xusay in ujeeddada laga leeyahay arrintan ay tahay in tirada ardayda dhigta fasallada hoose oo hadda ah 30,000 in la gaarsiiyo 60,000 hal sano gudihiisa.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in arday kasta loogu talagalay 3,200 oo shilin.
Sidoo kale waxaa uu xusay in dowladda hoose ee ismaamulka Nairobi ay qorsheynaysa in iyadoo kaashanaysa dowladda dhexe la dhiso fasallo dhan 5,000.