Ismaamulka Nairobi iyo dowladda dhexe oo saxiixday heshiiska cunnada dugsiyada

0
193

Waxaa heshiis ku saabsan barnaamijka cunnada ee dugsiyada wada saxiixday dowladda hoose ee ismaamulka Nairobi iyo dowladda sare.
Heshiiskan oo cunto lagu siinaya ardayda dhigta dugsiyada hoose dhexe ee dowliga ee ku yaalla magaala madaxda wadanka ayaa waxaa madashii lagu saxiixayay goobjoog u ahaa wasiirka wasaaradda maaliyadda Prof.Njuguna Ndungu.
Is-afgaradkan oo ay qalinka ku wada duugeen barasaabka ismaamulka Nairobi, Johnson Sakaja iyo wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Ezekiel Machogu ayaa ku kacaya 1.7 bilyan oo shilin.
Sakaja ayaa sheegay in qorshahan cunto lagu siin doono arday gaaraya 250,000.
Dhanka kale waxaa dhisidda goobaha lagu kariyo cuntada ardayda laga billaabay deegaannada Roysambu, Starehe, Makadara, Kasarani,Koonfurta Embakasi, Waqooyiga Dagoretti, Kibra iyo Westlands.