Dowladda dhexe oo kaashanaysa hay’adda tabarucaadda ee shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom Foundation iyo waaxyaha kale ee gaarka ah ayaa xariga ka jartay gargaar cunno oo dhan 100 milyan oo shilin.
Deeqdan ayaa loogu talagalay 20,000 oo qoys kuwaasoo ka mid ah shacabka ay abaarta saameysay ee ismaamulka Marsabit.
Wasiirka wasaaradda adeegga dadweynaha, jinsiyadda, daryeelka waayeellada iyo barnaamijyada gaarka ah Prof. Margaret Kobia ayaa deeqdan xariga uga jartay xarunta shirarka caalamiga ee KICC ee magaalada Nairobi.
Waxay sheegtay in dowladda dhexe ay ka go’an tahay la tacaalidda saameynta baahsan ee ka dhalatay abaarta.
Mrs. Kobia ayaa hoosta ka xarriiqday in sanad maaliyadeedkan 2022-2023-ka , lacag dhan 46.8 bilyan oo shilin loo qoondeeyay xal u helidda cunno yarida ka jirta gudaha wadanka.
Maamulka Jubilee ayaa horay 2 bilyan oo shilin ugu qoondeeyay in gargaar cunno la gaarsiiyo qoysaska nugul, biyo dhaamin iyo barnaamij ay warshadda hilibka ee KMC xoolo dhaqatada uga iibsanayso xoolaha .
Wasiirka ayaa dhanka kale shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay ku bogaadisay kaalinta ay ka qaadanayaan wax ka qabashada culeysyada nololeed ee ay abaartu reebtay.
Madaxa fulinta ee shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom Peter Ndegwa ayaa dhankiisa sheegay inay fududeeyaan in si lacag la’aan ah adeegga M-pesa loogu diray hal bilyan oo shilin oo loogu talagalay qoysaska danyarta ah.