Hay’adda World Vision qaybteeda Kenya ayaa muddo sanad ah ku dhawaad 480 milyan oo shilin ku qarash gelin doonto barnaamijyo ay ka fulinaysa ismaamulka Kilifi ee gobolka Xeebta.
Barnaamijyadan ayaa ah kuwo la xiriira daryeelka carruurta.
Waxaa sidatan shaaciyay Agaasimaha qaran ee World Vision Gilbert Kamanga .
Mr. Kamanga ayaa xusay in mashaariicda ay noqon doonaan kuwo la xiriira arrimaha caafimaadka , biyaha, waxbarashada iyo badbaadinta carruurta iyagoo kaashanaya dowlad deegaanka Kilifi.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inay dhici karto in mashaariicdan oo la qorsheeyay hal sano ay socdaan ilaa afar sano.