Dowladda hoose ee ismaamulka Garissa iyo hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR ayaa maanta maqaaxida Safari Park ee magaalada Nairobi si wadajir ah ugu daahfuray wajiga koowaad ee mashruuca loo yaqaano GISEDP.
Mashruucan ayaa xoogga saaraya horumarinta isdhexgalka bulshada iyo dhaqaalaha ee dowlad deegaanka Garissa.
Waxaa barnaamijkan looga gol-leeyahay in qaxootiga iyo bulshooyinka deegaanka ee marti geliyay ay ka wada faa’iidaystaan adeegyada qaran sida tacliinta,biyaha , nadaafadda , caafimaadka iyo fursadaha dhaqaale.
Ujeeddooyinka mashruuca GISEDP ayaa ah in culeyska laga fududeeyo bulshooyinka deegaanka.
Waxaa qorshahan ka faa’iidaysan doono in ka badan 364,000 qof oo isugu jiro qaxooti iyo magangalyo doon ku sugan xeryaha Dadaab iyo 397,000 xubnood oo ka mid ah bulshada deegaanka.
Dowladda Kenya ayaa qaxooti ka soo jeedo waddamo kala duwan marti gelinaysay in ka badan 30 sano.