Wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran ayaa isku shaandheyn ku sameysay ku xigeennada guddoomiyaasha dowladda dhexe ku matalo ismaamullada wadanka.
Wasaaradda ayaa shaaca ka qaadday in mas’uuliyiintan laga doonaya in xarumaha cusub ee la geeyay ay tagaan laga billaabo berri oo Isniin ah.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa sheegay in isbeddelladan ay saameeyeen 204 oo ah guddoomiye ku xigeenno.
Mas’uuliyiinta la geeyay xarunta dhexe ee wasaaradda arrimaha gudaha waxaa ka mid ah guddoomiyihii deegaanka Ithanga ee ismaamulka Murang’a Angel Makau ,Cabdixakiim Jubat (Trans-Mara) iyo Evans Wendott oo ahaa caawiyaha isku duwaha ammaanka ee Nairobi.
Patrick Mwangi Kirienye oo dowladda dhexe ku matalayay deegaanka bariga Samburu ayaa la geeyay Athi River oo ka tirsan ismaamulka Machakos.
Harun Kamau ayaa laga soo wareejiyay Etago waxaana la geeyay Khwisero, Jackson Omondi ayaa laga soo qaaday deegaanka Khwisero wuxuuna la shaqeyn doonaa guddoomiyaha ammaanka ee ismaamulka Murang’a.
Paul Waweru oo gacan yare u ahaa guddoomiyaha ammaanka ee Murang’a ayaa la geeyay deegaanka Kiminini ee Bungoma.
Dolphin Wanzala waxaa laga wareejiyay Kiminini waxaana la geeyay bariga Marakwet ,Axmed Somo oo laga soo qaaday bariga Marakwet ayaa hadda ka howlgeli doono bartamaha Narok , Kennedy Mwangome oo halkaasi dowladda dhexe u qaabilsanaa ayaa la geeyay deegaanka Embakasi, halka Abraham Kemboi loo sii wareejiyay Luanda.
Prof. Kithure Kindiki ayaa Abaraham Laikera u wareejiyay galbeedka ismaamulka Laikipia ,Stanley Mutua (Konoin), Anneta Mwangi (Tseikuru) iyo Titus Murei oo isna noqonaya guddoomiyaha dowladda dhexe ku matalo waqooyiga Mandera.
Home Wararka Kenya Isku shaandheyn lagu sameeyay ku xigeennada guddoomiyaasha amniga ee ismaamullada