Isku shaandheyn lagu sameeyay guddoomiyaasha dowladda dhexe ee ismaamullada

0
240

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa kala beddelay guddoomiyeyaasha dowladda dhexe u qaabilsan ismaamullada wadanka.
Kindiki ayaa goobihii ay ka shaqeynayeen ka wareejiyay 20 ka mid ah mas’uuliyiintan, waxaa uu dallacsiiyay ku xigeennada guddoomiyeyaasha oo gaaraya 12 halka afar looga yeeray xarunta dhexe ee wasaaradda ee magaalada Nairobi.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in isku shaandheynta aynan saameyn 15 guddoomiyeyaal waxayna ka sii howlgeli doonaan ismaamullada ay hadda joogaan.
Mas’uuliyiintan waxaa ka mid ah guddoomiyaha amniga ee ismaamulka Garissa Boaz Cherutich, dhigiisa Isiolo Geoffrey Omoding, Dr.Axmad Cumar(Bomet).
Wasiirka ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in isbedelladan looga gol-leeyahay wanaajinta adeegyada loo fidiyo bulshada.
Guddoomiyihii dowladda dhexe ku matalaysay ismaamulka Kisumu Josephine Ouko ayaa loo wareejiyay Busia.
Joshua Nkanatha oo ka shaqeynayay Kiambu ayaa la geeyay ismaamulka Embu.
Guddoomiyihii dowlad deegaanka Baringo ,Cabdirisaaq Jaldeesa ayaa loo wareejiyay Mombasa.
Gideon Oyagi oo laga soo qaaday Kwale ayaa hadda ka dib ka shaqeyn doono ismaamulka Trans-Nzoia halka Maxamad Barre oo joogay Nyeri la geeyay Nyandarua .
Karuku Ngumo oo dowladda sare u qaabilsanaa Murang’a ayaa loo wareejiyay Wajeer halka guddoomiyihii amniga ee Mandera Onesmus Kyatha la geeyay ismaamulka Nyamira.
Guddoomiyeyaasha looga yeeray xarunta dhexe ee wasaaradda arrimaha gudaha ayaa kala ah Herman Shambi ( oo dowladda dhexe u qaabilsanaa Nandi), Mathias Rioba (Trans-Nzoia), Michael Ivuto (Kirinyaga), iyo Stephen Kihara (Embu).