Booliska caasimadda Albania ee Tirana ayaa adeegsaday sunta dadka ka oohisa iyo madaafiicda biyaha, xilli ay dibad-baxayaashu isku dhaceen ciidanka ammaanka intii ay socdeen dibad-baxyo looga dalbanayo iscasilaadda Ra’iisul Wasaare Edi Rama.
Dibad-baxayaasha ayaa dhalooyinka dabka iyo baaruudda lagu rido dabaaldeggyada ku tuuray xafiiska ra’iisul wasaaraha maalintii Jimcaha, ka hor inta aysan u gudbin dhanka baarlamaanka, halkaas oo ay isku horfadhiyeen booliska ka hortaga rabshadaha.
Iska horimaadyo kulul ayaa muddo ku dhow laba saacadood ka socday waddooyinka ku hareeraysan dhismaha baarlamaanka, sida uu sheegay wariye ka tirsan wakaaladda wararka ee AFP oo ku sugnaa goobta ay rabshaduhu ka dhacayeen.
Booliska ayaa sheegay in ilaa 30 qof la xiray, halka xisbiga mucaaradka ee Democratic Party uu sheegay in la xiray ilaa 40 ka mid ah taageerayaashooda.
Sidoo kale, dhowr wasiir oo hore oo ka tirsanaa xukuumadaha Rama ayaa bartilmaameed u noqday baaritaanno la xiriira musuqmaasuq.
Kumanaan qof oo ruxayay calanka Albania iyo kuwa xisbiyada mucaaradka ayaa isugu soo baxay Jimcihii iyagoo ku dhawaaqayay “Rama, bax” iyo “Rama xabsiga halagu rido”.




