Iska horimaadka cusub ee Thailand iyo Cambodia oo ay ku dhinteen dad badan oo rayid ah

0
218

Wasiirka arrimaha dibadda ee Thailand ayaa u sheegay warbaahinta Al Jazeera in “aysan jirin meel diblomaasiyadeed oo lagu xalliyo khilaafka hadda jira.”
Cambodia ayaa sheegtay in militariga Thailand ay dib u bilaabeen weerarrada subaxnimadii Talaadada maanta ah, iyagoo dilay ugu yaraan toddobo qof. Thailand ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan saddex askari lagu dilay weerarrada.
Raa’iisul wasaaraha Cambodia Hun Manet ayaa ku boorriyay Thailand inay si nabad ah u xalliso khilaafka xuduudda ka jira.