Iska horimaad u dhexeeya xildhibaanada iyo wasiirka maaliyada oo ku saabsan barnaamijka E-GPS

0
499

Ismari waaga ka jira nidaamka cusub ee wax iibsiga ee dowladda ee Elektarooniga ah, sidoo kale loo yaqaan E-GPS, ayaa la sheegay inuu khatar gelinaya adeegyada waaxda dadweynaha.
Dhaqangelinta nidaamka cusub ee wax iibsiga oo ay hor kaceyso wasaaradda maaliyada ayaa wajahaya iska caabin adag oo kaga imaanaya xildhibaannada iyo guddoomiyeyaasha ismaamullada, iyadoo loo cuskanayo arrimo xagga sharciga iyo saadka ah.
Si kastaba ha ahaatee, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda John Mbadi ayaa ku adkeysanaya in qalabka elektaroonigga ah uu yahay furaha ciribtirka musuqmaasuqa iyo hubinta hufnaanta iibka waaxda dadweynaha.
Nidaamkan oo loogu talagalay in lagu habeeyo dhammaan hababka wax soo iibsiga ee dowladda, ayaa iska caabin kala kulmay mudanayaasha baarlamaanka, oo ku doodaya in uu yahay mid degdeg ah oo aan macquul ahayn marka la eego xaaladaha hadda jira.
Isagoo ka soo hormuuqday guddiga baarlamaanka ee dhaqangelinta dastuurka maalintii Khamiista, ayuu wasiir Mbadi ku adkaystay mowqifka dowladda isagoo sheegay in barnaamijkan la dhaqan gelin doono inkastoo maxkamadda sare ay si kumel gaar ah u joojisay.
Xildhibaanada ayaa waxaa ay ku doodeen in hay’ado badan aysan u qalabaysnayn hirgelinta nidaamkan, sharciguna uu weli ogol yahay wax soo iibsiga caadiga ah.
Sharci dejiyaasha ayaa hadda dalbanaya in la caddeeyo in wasaaradda maaliyada ay u hoggaansami doonto awaamiirta ka soo baxday Golaha Shacbiga.