Taliye sare oo ka tirsan ciidamada militariga ee dalka Ciraaq oo lagu magacaabo Qais al-Mohamadawi ayaa sheegay in kooxda isku tilmaanta khilaafada islaamiga ee ISIS ay gudaha wadankaasi ku leedahay ilaa 500 oo dagaalyahaanno ah.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in dagaalyahaannada ISIS ay inta badan ku dhuumaleystaan buuralayda iyo saxaraha fog.
Sidoo kale waxaa uu sarkaalka xusay inay hoos u dhacday awoodii ay kooxdu u lahayd inay xubno dheeraad ah shaqaaleysiiso.
Bishii hore ayay ahayd markii qaramada midoobay ay soo bandhigtay warbixin sheegaysa in ISIS ay waddamada Ciraaq iyo Syria ku leedahay 5,000 ilaa 7,000 oo isugu jiro xubno iyo taageerayaal tiradan oo kala bar dagaalyahaanno ah.