Isbitaallada gaarka ah oo joojinaya in ay u adeegaan dadka isticmaala NHIF

0
256

Ururka ay ku mideysan yihiin isbitaallada sida gaarka ah loo leeyahay ee (KAPH) ayaa wargelin 7 cishe ah la wadaagay waaxda sanduuqa caymiska qaran ee caafimaadka ee (NHIF) iyo maamulka caafimaadka bulshada ee (SHA).
Waxay dalbanayaan in lagu wareejiyo lacago uga maqan labadan maamul.
Guddoomiyaha ururka KAPH ,Dr. Eric Musau ayaa sheegay in haddii NHIF aynan codsigooda tixgelin oo aan la siin lacagaha ka maqan , in isbitaallada gaarka ah ay joojin doonaan in daryeel caafimaad uu helo qof adeegsanaya kaarka caymiska qaran ee caafimaadka ee NHIF.
Bayaanka waxaa ku cad in heshiiska uu yahay in isbitaalladan la siiyo qarashaadka caafimaad ee ku baxa dadka isticmaala NHIF muddo 60 cishe ka dib marka bukaannada loo adeego.
Musau ayaa sheegay in ururka KAPH uu waaxda NHIF kala hadlay bixinta lacagaha ee laga dib dhacay balse dhaqaalaha soo gaaray uu yahay mid yar oo aan ku filnayn inuu kaafiyo howlaha isbitaallada.
Waxaa uu tilmaamay in isbitaallada gaarka ah ay dantu ku qasabtay in ay qaataan amaah lacageed oo qaali ah, in ay shaqooyinka ka eryeen howlwadeenno sidoo kalena aynan weli bixin lacagaha qandaraasleyda si loo sii wado u adeegidda dadka iska diiwaangeliyay caymiska qaran ee caafimaadka ee NHIF.