Isbitaalka Kilifi oo si taarikhi ah hooyo uga umuliyay laba mataano oo isku dheggan

0
355

Isbitaalka guud ee ismaamulka Kilifi ayaa gaaray guul la taaban karo iyadoo dhakhaatiirta isbitaalka ay si guul leh hooyo uga umuliyeen mataano isku dhegan kuwaas oo ah kuwii ugu horreeyay, taasoo calaamad u ah guul weyn oo ka soo hoyatay waaxda caafimaadka ee dalka.
War saxaafadeed uu Isniintii soo saaray Guddoomiyaha dowlad deegaanka Kilifi Gideon Mung’aro ayaa shaaca ka qaaday in mataanaha oo iskaga dheggan caloosha lagu dhalay si nabad ah ka dib qalliin adag oo ay sameeyeen koox dhakhaatiir badan oo ay hoggaaminayeen Dr. Sumaiya (Dhakhtarka Haweenka), Dr. Kadivani iyo Dr. Kalama (Dhakhaatiirta Carruurta), iyadoo taageero aan la soo koobi karin ka helaya kalkaaliyayaashayada waaxda umusha iyo kuwa waaxda Ku tiirsanaanta Sare ee HDU.
Hooyada iyo dhallaanka labaduba ayaa ah kuwo caafimaad wanaagsan sida uu sheegay barasaabka waxaana loo wareejin doonaa isbitaalka Qaran ee Kenyatta si loo sii wado daryeelka gaarka ah.
Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa ay ammaantay kooxda dhakhaatiirta iyo kalkaaliyayaasha ee dadaalka badan leh oo khibradooda iyo naxariistooda ay suurtogalisay qalliinka.