Isbitaalka Heerka 5-aad ee Embu oo walaac ka muujiyay kororka kiisaska kansarka naasaha

0
615

Isbitaalka Heerka 5-aad ee Embu ayaa muujiyay walaac sii kordhaya oo ku saabsan kororka naxdinta leh ee kiisaska kansarka naasaha, isaga oo aqoonsaday inuu yahay nooca ugu badan ee kansarka laga soo sheego xarunta shantii sano ee la soo dhaafay.
Diiwaanada isbitaalka ayaa waxaa ay muujinayaan in tan iyo 2020-kii, xaruuntan caafimaad ay diiwaangelisay 1,644 xaaladood oo kansar ah, iyada oo kansarka naasaha uu yahay 17 boqolkiiba kiisaska.
Kansarrada kale ee lag diiwaan geliyay isbitaalka ayaa waxaa ka mid ah kansarka qanjiraha, ilmo galeenka, dhuunta iyo kansarka caloosha.
Sida ay sheegtay Dr. Jacinta Rwamba oo ku takhasustay kansarka, haweenka ayaa ah dadka ugu badan ee ay dhibaatada saameysey.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa ay xustay isbeddelka welwelka leh ee cudurka, iyada oo bukaanno badan oo da’yar ah hadda laga helay cudurka horumarka oo ay ku tilmaantay inuu yahay dhibaato caafimaad oo saameyn weyn yeelan karta.
Dr. Rwamba ayaa kororka kiisaska u sababeeyay dhowr arrimood, oo ay ka mid yihiin beddelka qaab nololeedka, dhalmada oo daahday, iyo dheelitir la’aanta hormoonnada.
Intaa waxaa dheer, caadooyinka cuntada oo liita, isticmaalka khamriga, iyo dhaqdhaqaaq la’aanta jirka ayaa lagu tilmaamay inay yihiin kuwa ugu muhiimsan ee gacan ka geysta dhacdooyinka sii kordhaya ee kansarka naasaha ee gobolka.
Dr. Rwamba ayaa ku boorisay dadka deegaanka in ay mudnaanta siiyaan baaritaanada caafimaad ee joogtada ah iyo baaritaanka naasaha gaar ahaan haweenka da’doodu tahay 40 iyo wixii ka weyn, ama kuwa leh taariikhda qoyska ee cudurka.
Iyadoo dunida ay xuseyso Bisha Wacyigelinta Kansarka Naasaha, isbitaalka heerka 5-aad ee Embu ayaa waxaa uu soo bandhigay adeegyo baaris oo lacag la’aan ah ee guud ahaan bishan October.
Xarunta ayaa waxaa kale oo ay bilawday olole wacyi galin ah oo ka socda gobolka oo dhan kaas oo ujeedadiisu tahay in bulshada lagu baro calaamadaha hore, ka hortagga, iyo muhiimada ay leedahay ogaanshaha wakhtiga.